Radio Daljir

Warkii oo fidsan

Madaxtooyada Galmudug oo war ka soo saartay go'aankii barlamaanka.

January 10
03:26 2017

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go'aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan marnaba aqbaleyn waxii kasoo baxay Kalankii Baarlamaanka.

War- Saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug ayaa u qornaa sida tan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha reer Galmudug.

Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka reer Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.

Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

Share

Related News

Falcelis

DIGNIIN: Af-lagaadadu ka reeban fagaare-doodeedka bulsheed.

adlan nala wadaag wixii talo, tusaalayn ama dhaliil ah ee barnaamijyada idaacada Daljir - Email daljir@gmail.com | alldaljir@gmail.com


QORMADA DALJIR

ADEEGA BULSHADA

Ogaysiis & Xayaysiis

Facebook

Sawirka Maanta

Falcelis

Asalaamu Caleeykum.
Waad mahadsantihiin dhamaan meelaad jogtan shaqalaha daljir.bac...

anigoo ah mursal cabdi daad oo jooga bosaso dadayduna tahay 22 sano waxaan halkaan ...

Magcaygu waa Riyaad Omar Mohamed waxan ku nolahay magalada vean casimad dalka usta...

Magacaygu Mr. JEY oo jooga Boosaaso waxaan aad ugu faraxsanahay barnaamijyada idaac...