Radio Daljir

Warkii oo fidsan

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Hambalyeeyey Madaxda Cusub ee Hirshabeelle.

October 17
10:40 2016

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulkaas iyada oo madaxweyne ku Xigeenna loo doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Hirshabeelle, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu si buuxda u dhammeystiray hirgelinta nidaamka Federaalka ay Soomaali qaadatay “dhammeystirka Maamulka Hirshabeelle, wuxuu dhammeystir u yahay hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka , waana tallaabo loo qaaday dhanka baahinta xukunka dalka”

Ugu dambentii , Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka cusub ee Hirshabeelle isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan madaxda maanta la doortay.



Share

Related News

Falcelis

DIGNIIN: Af-lagaadadu ka reeban fagaare-doodeedka bulsheed.

adlan nala wadaag wixii talo, tusaalayn ama dhaliil ah ee barnaamijyada idaacada Daljir - Email daljir@gmail.com | alldaljir@gmail.com


QORMADA DALJIR

ADEEGA BULSHADA

Ogaysiis & Xayaysiis

Facebook

Sawirka Maanta

Falcelis

Asalaamu Caleeykum.
Waad mahadsantihiin dhamaan meelaad jogtan shaqalaha daljir.bac...

anigoo ah mursal cabdi daad oo jooga bosaso dadayduna tahay 22 sano waxaan halkaan ...

Magcaygu waa Riyaad Omar Mohamed waxan ku nolahay magalada vean casimad dalka usta...

Magacaygu Mr. JEY oo jooga Boosaaso waxaan aad ugu faraxsanahay barnaamijyada idaac...