Radio Daljir

Warkii oo fidsan

Wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland oo tobabar usoo xirtay dhaqaatiir ka shaqeynaya daryeelka caafimaadka Xoolaha.

February 17
04:27 2013

Wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ayaa maanta ?tobabar usoo xirtay
?(27) qof oo ka kala socday goboladda Nugaal iyo Mudug kuwaasi oo loo
tobabaray daryeelka caafimaadka Xoolaha.

(21) cisho oo tobabarka uu socday ayaa ka qeyb galayaasha tobabarkaan
loo tababarayey sida ugu haboon ee dawadda loo siiyo xoolaha loona duro,waxaana tababarkaani ku soo aadayaa xili dhawaan gobolada Mudug iyo Nugaal ay ka dilaaceen cudurada xoolaha ku dhaca.

Gudoomiyaha ?ururka maxaliga ah ee ??Kaalo Maxamuud Sheikh Xaamud ??ayaa kula dardaarmay ?dadkii loo dhameeyay tobabarka inay si daacad nimo leh ?aqoontooda ?ugeeyeen deeganadii ay ka yimaadeen, Waxaana uu sheegay qof walba oo tobabark qaatay in liisanayo qalab iyo daawooyinka uu ku howl-gali lahaa.

Agaaismaha guud ee wasaaradda xanaanda Puntland Ibraahim ?Xareed Cali
(Dacar) oo soo xiray tobabarka ?ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee cudurada xoolaha ay sabab u tahay ?isku gudbida xoolaha
gobolada Punland iyo meelaha ka baxsan, wuxuu agaasimuhu ??sheegay in
?dadka la siiyay xirfada la filayo in ay isbadal ku sameeyeen
daryeelka caafimaadka xoolaha.

Tababarkaan caafimaadka xoolaha ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili ay wasaarada xannaanada xoolaha Puntland sheegtay inay qaybo ka mid ah gobolada Puntland ka dilaaceen cudurada xoolaha kuwaas oo dhammaadkii sanadka 2012 laga fuliyey talaalka cudurada ku dhaca xoolaha.

Daljir Garoowe.

?

Share

Related News

Falcelis

DIGNIIN: Af-lagaadadu ka reeban fagaare-doodeedka bulsheed.

adlan nala wadaag wixii talo, tusaalayn ama dhaliil ah ee barnaamijyada idaacada Daljir - Email daljir@gmail.com | alldaljir@gmail.com


QORMADA DALJIR

ADEEGA BULSHADA

Ogaysiis & Xayaysiis

Facebook

Sawirka Maanta

Falcelis

Asalaamu Caleeykum.
Waad mahadsantihiin dhamaan meelaad jogtan shaqalaha daljir.bac...

anigoo ah mursal cabdi daad oo jooga bosaso dadayduna tahay 22 sano waxaan halkaan ...

Magcaygu waa Riyaad Omar Mohamed waxan ku nolahay magalada vean casimad dalka usta...

Magacaygu Mr. JEY oo jooga Boosaaso waxaan aad ugu faraxsanahay barnaamijyada idaac...