| Xukuumadda Soomaaliya maxay Qabatay? Maxayse yihiin Caqabadaha Hortaagan? |
Sat, 25 May 2013 20:28:00 -0400 pm -04:00 -14400 |
Maadaama uu khilaaf ballaaran soo kala dhexgalay golaha baarlamaanka waxaa adag in la qiimeeyo shaqadooda iyo wixii u qabsoomay iyo waliba caqabadaha soo foodsaaray.
Haya’adda kaliya ee la qiimayn karo waxa ay qabatay iyo caqabadaha soo foodsaaray waa xukuumadda (Ra’isul wasaaraha iyo wasiirada Soomaaliyeed). Waqtiyadaan dambe waxaa isa soo taraya in xukuumadaan ay tahay “Badbaado”. Dad badan ayaa aaminsan in xukuumadda uu hogaaminayo Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay qabatay hawlo badan oo muhiim u ah umadda soomaaliyeed. Haddii la barbardhigo xukuumadihii ka horreeyay waxaad dareemaysaa farqiga u dhexeeya. Dadka Soomaalininadu ku weyn tahay waxay aaminsan yihiin in Dhibaatada Soomaaliya ku raagtay looga bixi karo haddii la helo dad isla jaal ah (team) ah oo sida xukuumaddaan u shaqeeya; sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in xukuumaddaan la siiyo fursad ay Soomaaliya uga saaraan dhibaatdaaan. Masuuliyiinta wax la taaban karo qabtay ayaa lagu aamini karaa mustaqbalka Soomaaliya.
Maxay ku guulysatay xukuumadda Badbaado?
Waxay ku guulaystay:
In loo shaqeeyo qaab xirfad ku salaysan (professionalism), meeshana laga saaaro qaabkii qabaliga ahaa, waqtiyadii hore waxaa dhici jirtay in loo shaqeeyo qaab qabali ah, waana adkayd in la kala saaaro shaqada uu wasiirku u hayo dawladda iyo tan uu qabiilka u hayo . Badbaado waxay ku guulaysatay inay qaabkaas ka gudubto isla markaasna wasiir kasta lala xisaabtamo.
Dhaqan galinta wax kasta oo Soomaalidu ku heshiiso, sida Road map-ka , waxaa intaas dheer in markasta lagu fikiro in hawlaha lagu qabto waqtiga loogu talo galay (deadline).
Badbaado waxay ku guulaystay in arrimaha loo kala hormariyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, waxaa ahmiyadda koowaad la siiyay amniga iyo xoraynta dhulka ku jira gacanta kooxaha xag jirka ah, waana arrinta keentay in markii ay dawladdu magaalo qabsado ay gacanteeda kusii jirto waayo inta aan la qaban ayaa laga fakaraa tilaabada qabashada xigta. Xukummadihii hore waa ku fashilmeen arrintaan, waxaa lawada xusuustaa iyada oo dawladdu intay subixii meel qabsato ay galabtii dib uga soo baxdo.
Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay degaanada la xoreeyay gacan ku siiso sidii loogu samaysan lahaa maamulo ay dadka deegaanku soo doorteen.
In la xoojiyo maamulada hadda ka jira Soomaaliya, waayo in Soomaali weyn la helo ayay ka mid tahay in degaamada maamulada iyo kala dambayntu ka jirto ay dawladdu gacan siiso.
Xukuumaddu waxay ku guulaysatay in ay wadatashi la yeelato dhammaan qaybaha bulshada; waxaa lagu guulaystay in qaybaha bulashada dhamaantood lala tashado oo waliba la siiyo tixgalin dheeraad ah, sidoo kale ururo diimeedyada aan xag-jirka ahayn xukuumaddu waxay siiyay fursad lagu wada hadlo iyo qaab ay dawladda ula shaqeeyaan, waxaad arkaysaa Ahlu Sunnah wal-jamaaca oo fidhiya shir kasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waana tilaabo ay ku guuldaraysateen xukuumadihii ka horreeyay xukuumadaan.
Xukuumaddu waxay ku guulaysatay in ay dawladaha Soomaaiya dariska la ah ay ku qanciso in hawlgallada ay Soomalida gacanta ku siinayaan ay noqdaan kuwo midaysan ama ku socota qorshe, waxay xukuumaddu dadaal badan u gashay in Uganda, Burundi, Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya loo sameeyo qaab midaysan oo ay ku wada shaqeeyaan. Xukumaadiihii hore uma suurtogalin in ay mideeyaan hawlgalada milatari.
Dawladaha reer galbeedka oo ay isla jaanqaadeen dawladda Soomaliya. Maadaama ay wasiiradu u badan yihiin dad aqoon leh, waxay xiriiro badan la sameeyeen adduunka iyaga ku qancinaya in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay tahay mid caalami ah ee ayan ahayn mid Soomaaliya kaliya ku kooban isla markaasna ay dhibaatadaan si deg deg ah u faafi karto haddaan dhakhso looga hortagin. Shirkii London ayaa tusaale fiican u noqon kara.
Xiriirka dawladda Turkiga ee wanaagsan ayaa xukuumadda badbaado aad kor ugu qaaday, waxay ku qanciyeen in Ra’sulwasaaraha Turkigu soo booqdo Soomaaliya, kadibna uu adduunku u arko in Soomaaliya ay tahay meel wax laga qaban karo.
Xukuumaddu waxay ku guulaysatay in dastuurka Soomaaliya yeelan doonto la soo gabagabeeyo, iyada oo uu Ra’sulwasaarahu uu u magacaabay guddi khubaro ah (Soomaali 100% ) waana guddi madax banaan. Arrintaan ayaa horseed u noqonaysa in Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda ku meelgaarka ah.
Waxaa sidoo kale uu Ra’sulwasaaruhu ku guulaystay inuu magacaabo guddiyo badan oo madax banaan, sida guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa (Anti Corruption), guddiga ka hortagga masaa’ibka IWM.
Xuquuqda haweenka oo la soo gaarsiiyay meel aan waligeed gaarin, arrintaan oo waqti badan soo jiitamaysay ayaa hadda xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay 30% dumarka laga siiyo golaha Baarlamaanka.
Badbaado waxay gacan ka gaysatay in la sii daayo dad badan oo Soomaali ah oo ku xiranaa waddamo kala duwan.
Badbaado waxay ku guulaysatay in ay albaabka wadahadalka la furto Soomaaliland, waayo waxaa la aaminsan yahay in Soomaalidu isku khasban yihiin, ayna mar ay noqotaba mar is horfariisan doonaan.
Marxalad isbadel ayaa soo socota, waxaana lagama maarmaan ah in lala saqeeyo dawaladda hadda jirta, isla markaasna la iswaydiiyo yaa Soomaaliya dhibaatada ka saari kara?
Caqabadihii ka hor yimid xukuumadda waxaan ku soo qaadan doonaa Insha Allahu qoraalada soo socda.
Ahmed Osman
maamulka2003@yahoo.com
|
|