| Laba qof oo lagu dilay Boosaaso iyo baaritaano socda. |
Wed, 22 May 2013 04:18:59 -0400 am -04:00 -14400 |
Bosaso, May 10 - Laba qof oo shacab ayaa galabta abaare saacadu markay ku beegnayd 4:30 xiliga Geeska Afrika lagu toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa la sheegay in labada qof ee shacabka ah inay ku dileen xaafadda New Bosaso, xilli ay ku sugnaayeen goob meherad ah oo lagu qaxweeyo.
Labada qof ee la dilay oo ahaa qaraabo ayaa waxaaa lagu magacaabji jiray Cali Diib Gurxan iyo Mijir Xasan Gurxan, ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu dilku kadhacay mana cadda inay dad u qabteen dilalkan iyo in kale.
Dilalkan ayaa imaanaya xilli mudooyinkan dambe ay hakadeen dilalkii kalle duwanaa ee ka dhici jiray magaalada Boosaaso , arintaasi ayaa loo sababeynayaa howlgallo joogto ah oo ay ciidamada amaanku ay wadeen mudooyinkii ugu dambeeyay.
Labada qof ee la dilay oo ahaa qaraabo ayaa sidoo kale aad isugu dhowaa nabadoon Xuseen Gurxan iyo duqii hore ee degmada Galgala Cali Maxamed Gurxan oo sanadkii 2011-kii siyaabo kale duwan loogu dilay magaalada Boosaaso.
Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.
|
|
|